XEERKA DOORASHADA GOLAHA WAKIILADA
(Xeer No. 20-2/2005 )
HARGEISA, 2005
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
GOLAHA WAKlILADA JSL
Markuu arkay: Qodobada 22aad, 40aad, iyo 41aad, ee Dastuurka Qaranka JSL.
Markuu tixgeliyey: xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniintu u leeyihiin in la
doorto, waxna ay doortaan.
Markuu Xaqiiqsaday: in hirgalinta doorashada Golaha Wakiiladu dhamaytirayso
hanaanka dimoqraadiyadeed ee lagu beegsanayo taabagalinta buuxda ee qaranimada
Somaliland.
WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN OO AH LIFAAQA XEER No. 20/2001
Qodobka laad
Macnaha erey-bixinta
Doorasho: Waxa loola jeedaa hawlgalka kala saaridda murashaxiinta u tartamaya
xubinimada Golaha Wakiilada, iyadoo lagu go'aan qaadanayo aqlabiyadda codadka
muwaadiniinta cod- bixiyayaasha ah.
Komishanka: waxaa loola jeedaa Guddiga Qaranka ee u xilsaaran maamulidda hawlaha
doorashooyinka.
Goobo-codbixin: waxa loola jeedaa goobaha tirooyin cod-bixiyayaasha ka mid ah
oo isku degaan dhaw ka dhiiban karaan codkooda ee Komishanku cayimo.
W a k i i l: waxa Ioola jeedaa xubinta xisbi u soo wakiishay la socodka hawlaha
doorashada ee goob-cod-bixineed ama xafiisyada doorashada ee degmo, gobol ama
xarunta komishanka.
Musharax: waxa loola jeedaa xubinta xisbigiisu u soo magacaabay inuu u tartamo
xubinimada Golaha Wakiilada si xeerka waafaqsan.
Cod-bixiye: waxa loola jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha cod-bixinta ee xeerku
tilmaamay ee go' aankiisa ku dhiibanaya codayn.
K u r s i : waxa loola jeedaa jagada xubinimada Golaha Wakiilada ee hal qof
loo dooran karo.
Astaan: waxa loola jeedaa summadda ama calaamadda u gaarka ah hal xisbi/Musharax
ee loo diiwaangeliyay in lagu aqoonsado
L i i s : waxa loola jeedaa magacyada musharaxiinta doorashada Golaha Wakiilada
ee Xisbi kasta u soo gudbiyo Komishanka. Kuwaas oo si siman ugu tartamaya doorashada,
kala horaynta magacyadooduna wax tixgelin ah aanay u lahayn kala doorashadooda.
Saraakiisha dawladda: waxa loola jeedaa shaqaalaha masuuliinta ah ee ku siman
agaasime waaxeed iyo wixii ka sareeya iyo madaxda hay'adaha madaxa banaan ee
dawladda, iyo sidoo kale, madaxda ciidamada ee ku siman taliye urur ama taliye
saldhig boolis iyo wixii ka sareeya.
Ololaha Doorashada: waxa loola jeedaa hawlgalka ay Axsaabtu iyo murashaxiintoodu
ugu tartamayaan iska dhaadhicinta iyo soo kala jiidashada cod-bixiyayaasha,
si xeerkan waafaqsan
Xafiiska dhexe: waxa loola jeedaa xarunta ugu saraysa ee laga maamulayo hawsha
doorashada ee ay ku shaqeeyaan Komishanka Qaranka ee Doorashooyinku.
Xafiiska Gobolka: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada
ee Gobol ee Komishanku sameeyo, si xeerkan waafaqsan
Xafiiska Degmada: waxa loola jeedaa xafiiska doorashada laga maamulayo ee degmo
ee Komishanku sameeyo, si xeerkan waafaqsan.
Xafiiska Goobta: waxa loola jeedaa goobta muwaadiniintu cod-bixinta ka dhiibanayaan
ee laga maamulayo hawlaha cod-bixinta.
Hawl-wadeen: waxa loola jeedaa shaqaalaha kala duwan ee komishanku hawlgeliyay
inay ka shaqeeyaan goobaha cod-bixinta, xafiisyada doorashada ee degmooyinka
iyo gobolada iyo xarunta dhexe ee xeerku jideeyay.
Xad-gudub: waxa loola jeeda fal kasta iyo qawl kasta oo lid ku ah nidaamka doorashada
iyo nabadgelyada guud.
Goob-joogayaal: Waxa loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga
ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha doorashada ee Komishanka Qaranku aqoonsadey.
J a j a b: Waxaa loola jeedaa tirada codadka ee ka yar inta hal kursi lagu heli
karo.
Si taxana ah: Waxaa loola jeedaa wax kala duwan oo xidhiidhsan oo loo qoray
si isdaba taala oo midba midka kale ka horeeyay.
Qaybta I
MABAADIIDA GUUD
Qodobka 2aad
A d e e g s i g a - X e e r k a
Xeerkan waxa lagu maamulayaa loona adeegsanayaa doorashada xubnaha Golaha Wakiilada
JSL.
Qodobka 3aad
Tirada Xubnaha iyo Doorashada Golaha Wakiilada
Golaha Wakiilada JSL wuxuu ka kooban yahay 82 (sideetan iyo laba) xubnood. Kuwaas
oo lagu soo dooranayo doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo
xor ah, sida uu qeexay qodobka 40aad ee Dastuurku.
Qodobka 4aad
Mudada Xilka
Mudada xilka ee musharixiinta ku guulaysta doorashada xubinimada Golaha Wakiilada
waa 5 (shan) sano, oo ka bilaabmaysa maalinta Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo go'aamada
doorashada, sida uu tilmaamay qodobka 42(1)aad ee Dastuurka JSL.
Qodobka 5aad
Shuruudaha Cod-Bixiyaha
1. Waa inuu yahay Muwaadin Somaliland u dhashay ama qaatay muwaadinimada Somaliland,
si Xeerka Jinsiyadda waafaqsan.
2. Waa in aan da'diisu ka yaraan 16 sano, sanadka doorashada la qabanayo.
3. Waa inuu xor yahay oo aanu xabsi ku jirin maalinta doorashadu dhacayso.
Oodobka 6aad
Xuquuqda Cod-Bixivaha
Cod-bixiye kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilmaamay wuxuu xaq u leeyahay:-
1. Inuu codkiisa ka dhiibto goobta uu ku sugan yahay ee doorashadu ka socoto.
2. Marka JSL hesho aqoonsi caalami ah, muwaadiniinta buuxiyey shuruudaha cod-bixinta
ee ku sugan dal shisheeye xilliga doorashada la qabanayo, wuxuu codkiisa ka
dhiiban karaa xafiisyada diblomaasiyadeed ee JSL ku leedahay dalalka shisheeye
ee ugu dhow.
3. Codku waa inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si
siman loo tixgeliyo.
4. Cod-bixiye kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.
Qodobka 7aad
Xaqa is Sharixidda
1. Muwaadin kasta oo buuxiyay shuruudaha xeerku tilmaarnay wuxuu iska sharixi
karaa xisbiga uu ka tirsan yahay, si waafaqsan xeerkan.
2. Guddiga Fulinta ee Xisbiga ayaa iska leh awooda xulista musharixiinta. Waxayna
ku soo saarayaan go'aan Guddi-fulineed liiska musharixiinta marka aqlabiyadda
Guddigu isku raacdo ka dib markay helaan soo jeedinta Guddida xisbiga ee heer
gobol.
3. Uma bannaana qof shaqaale dawladeed ah ama hay'adaha madaxa bannaan ee dawladda
ama kuwa Ciidamada qaranka, derejo kasta ha lahaadaane inay isu sharaxaan doorashada
Golaha Wakiilada, haddii aanay iska casilin xilka, afar bilood ka hor maalinta
doorashadu dhacayso. Sida uu dhigayo qod. 41'aad, farq. 7aad ee Dastuurka qaranku
4. Shaqo-ka-tegidda ama is casilaada waa in laga aqbalo, qoraalna sidaa ku soo
caddeyso cidda awooda u lihi.
Qodobka 8aad
Wakhtiga Qabashada Doorashada
Komishanka Qaranka ayaa soo cayimaya taariikhda la qabanayo doorashada Golaha
Wakiilada, waxayna ku soo baxaysaa Degreeto Madaxweyne. sida ku cad qod. 42'aad
ee Dastuurka.
Qodobka 9aad
Samaynta Gobolo-doorasho
1. Marka la qabanayo doorashada Golaha Wakiilada ee JSL, waxa dalka loo qaybinayaa
gobolo-doorasho iyada oo la waafajinayo soohdimihii ay lahaayeen lixdii degmo
ee jiray 26 June 1960 ee hadda gobolada ah, si waafaqsan qodobka 109aad ee Distuurka
Qaranka.
2. Komishanka qaranka ayaa laga doonayaa inuu sameeyo gobolo-doorasho ugu yaraan
60 maalmood ka hor intaanay maalinta codbixinta. Waxaanuu Komishanka Qaranku
arrintaa kala tashanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyayaasha Gobolada
iyo saddexda Xisbi Qaran.
3. Komishanka ayaa ku dhawaaqaya warbaahintana u gudbinaya gobolada-doorasho
(electoral regions) ee la cayimay, markay la tashadaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha,
Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Sadexda Xisbi Qaran.
Qaybta II
HANAANKA DOORASHADA
Qodobka 10aad
Habka Doorasho
1. Xisbi kasta oo doonaya inuu ka qayb galo doorashada Golaha Wakiilada, waxa
laga doonayaa inuu komishinka qaranka u gudbiyo liiska murashaxiinta uu u xulay
inay ugu tartamaan doorashada oo gobolaysan, kaas oo ku salaysan tirada kuraasida
gobol kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah.
2. Kuraasta gobol-doorasho, waxa Axsaabtu ku kala helayaan habka saami-qaybsiga
(proportional representation system), ee kuraasida iyo codadka xisbi waliba
ka helo gobolkaas.
Qodobka 11aad
Goobaha Codbixinta
1. Gobol-doorasho kasta wuxuu yeelanayaa goobo codbixineed, waxaana cayimaya
komishanka qaranka, markuu la tashado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyayaasha
Gobolada, iyo Xisbiyada Qaranka.
2. Komishinku waa inuu goobahaas codbixineed ku sameeyo ugu yaraan (60), maalmood
ka hor maalinta codbixinta la qabanayo.
Qodobka 12aad
Habka Qaybinta Kuraasida
1) Iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo danta qaranka ugu jirta taabagalinta
doorashada awgeed, saamiga kuraasida goboladu ku yeelanayaan Golaha Wakiilada
waxa doorashadan oo keliya loo qaybiyay sidan:
1. Gobolka Hargeysa
20 Kursi
2. Gobolka Togdheer
15 Kursi
3. Gobolka Awdal
13 Kursi
4. Gobolka Sanaag
... 12 Kursi
5. Gobolka Sool
... 12 Kursi
6. Gobolka Saaxil
. 10 Kursi
2) Marka doorashadu qabsoonto ee la isu geeyo wadarta guud ee codadka ansaxay
ee gobolka kasta waxa loo qaybinayaa tirada kuraasida gobolkaas loo cayimay,
markaa waxa la ogaanayaa qadarka codadka hal kursi lagu heli karo. Intaa dabadeed,
waxa la isu qaybinayaa tirada codadka xisbi kasta ka helay gobolka iyo qadarka
codadka hal kursi lagu heli karo, halkaasna waxa ka soo baxaysa tirada kuraasida
gobolka ee xisbi kasta ku guulaystay.
3) Marka tirada codadka ansaxay ee gobolka iyo tirada kuraasida gobolkaas la isu qaybiyo, haddii ay jiraan tirooyin codad jajab ah oo xisbi kasta marka gaarkiisa loo eego ka yar qadarka codadka hal kursi lagu heli karo, waxa xisbiyadu kursiga ama kuraasida hadhay u kala helayaan sida ay ugu kala badan yihiin tirada codadka jajabka ah.
4) Marka la fuliyo hawlgalka ku tilmaaman faqradaha (2 & 3) ee qodobkan, tirada kuraasida ee xisbi kasta marka gaarkiisa loo eego ka helo kuraasida gobolka u xadidan, waxa musharixiinta xisibi kasta gudihiisa u kala qaadanayaan sida ay u kala cod badan yihiin, iyagoo ku kala helaya aqlabiyad fudud (simple majority).
5) Haddii degaano dalka ka mid ah ay la soo gudboonaato duruufo culus ama xaalado aan saamaxayn in doorasho ka qabsoonto, waxa soo qiimaynaya go'aanna ka gaadhaya xaaladahaas Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka, markay sidaa isla gartaan Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka.
6) goobaha codbixinta ee doorashadu ka qabsoomi waydo, tirada kuraasida loo qoondeeyay goobahaas waxay xisbiyadu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobolka.
7) Haddiise, ay doorashadu gobol dhan ka qabsoomi waydo, waxay Axsaabtu kuraasida gobolkaas u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee codadka ansaxay dalka. Waxana loo raacayaa sida magacyadoodu liiska u kala horeeyaan.
Qodobka 13aad
Liiska Musharixiinta
1. Xisbi kasta waxa uu komishanka u soo gudbinayaa liiska magacyada musharixiintiisa
uu u xulay inay u tartamaan doorashada. Kaas oo ku salaysan tirada kuraasida
gobolka loo qoondeeyay, una qoran si taxane ah.
2. Axsaabtu waa inay tixgeliyaan xaqa muwaadiniinta ee doorashada iyo ka qaybgalka
hawlaha siyaasadda, iyadoo aan lagu kala soocayn jinsiga, luqada, iwm. Sida
uu jidaynayo qodobka 22aad ee Dastuurku. sidoo kale, waa inay dhiirigaliyaan
ka qaybgalka haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay talada dalka sida uu
tilmaamay qodobka 36(2)aad ee Dastuurku.
Qodobka 14aad
Musharixiinta Doorashada Ku Guul-Daraysta
1. Musharaxiinta liisaska xisbiyada ee kuraasi waaya waxay noqonayaan musharixiin
kayd ah. Waxayna xaq u leeyihiin inay buuxiyaan marka ay jago baneeyaan Mudanayaasha
xisbigooda kaga jira Golaha Wakiilada.
2. Marka ay banaanaato xubin/ xubno ka mid ah Golaha Wakiilada si waafaqsan
asbaabaha ku xusan qodobka 50aad ee Dastuurka, Shirgudoonka Goluhuna sidaa caddeeyo,
waxa Komishanku bedelkii xubinta/xubnaha banaan ku buuxinayaa musharaxiinta
kaydka xisbiga ay ka soo jeedeen kuwa banneeyay, muddo aan laba todobaad ka
badnayn. Waxana loo raacayaa sida ay u kala cod badnaayeen.
Qaybta III
MUSHARIXIINTA
Qodobka 15aad
Shuruudaha Musharaxa
Sida uu tilmaamayo qodobka 41aad ee Dastuurku, qofka isu taagaya doorashada
Golaha Wakiilada waa inuu buuxiyo shuruudahan:
1. waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay ama qaatay jinsiyadda Somaliland
si sharciga waafaqsan.
2. waa inuu muslin yahay kuna dhaqmo diinta Islaamka.
3. waa inaan da'diisu ka yarayn 35 sano sanadka doorashada la qabanayo.
4. waa inuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba gudan karo xilkiisa.
5. waa inuu leeyahay aqoon dugsi Sare ama wax u dhigma ugu hoosayn.
6. waa inuu yahay xilkas, akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.
7. waa inaanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah shantii sano ee u
dambeeyay.
8. waa inuu saxeexay qoraal uu shakhsi ahaan ku cadaynayo musharaxnimadiisa
doorashada iyo inuu u hogaansamayo shuruucda doorashada iyo kuwa anshaxa.
9. waa inuu bixiyey deebaajiga mushaxnimo ee ku waajibay.
Qodobka 16aad
Soo Gudbinta Liiska Musharaxiinta
1. Gudoomiyaha ama Xoghayaha Guud ee xisbiga ayaa Liiska murashaxiinta xisbiga
ee doorashada Golaha Wakiilada oo gobolaysan u soo gudbinaya xafiiska Komishanka
6da saac ee galabnimo maalinta 60aad doorashada ka hor, waana in si cad loogu
soo muujiyaa magaca musharaxa oo afaran, da'diisa iyo gobolka uu ka tartamayo.
Haddii ay jiraan musharaxyo isku magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddii
ay jitro) iyo magaca oo afaran.
2. Liisaska musharaxiinta xisbiga marka loo gudbinayo komishanka waxa la soo
raacinayaa:-
a. Caddeymaha caafimaadka, dambi la'aanta, waxbarshada, shaqo ka tegidda (hadday
jirto), iwm.
b. Liisasku waa in ay yihiin min 4 nuqul oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii
xisbigu.
c. Caddeyn uu bixiyey murashax kastaa oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay murashaxnimada
iyo inuu u hogaansamayo xeerka & anshaxa doorashada.
d. Go' aanka guddiga fulinta xisbigu ku ansixiyey Liiska musharixiinta.
e. Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda.
3. Khilaaf kasta oo ka dhasha xulista ama soo gudbinta liiska murashaxiinta
oo ka dhex dilaaca xisbi gudahiisa waxa go' aan ka gaadhaya Guddiga Fulinta
xisbiga arrintu khusayso.
Qodobka 17aad
Hubinta Musharaxiinta
1. Hogaanka Xisbiga waxa ku waajib ah in ay si wadaniyad leh u fanidaan musharaxiinta
marka ay xulayaan. Iyagoo hubinaya inay buuxinayaan shuruudaha aasaasiga ah
ee xeerku jideeyay, isla markaana masuuliyadda ay u tartamayaan si haboon u
gudan karaan, magac iyo milgona u soo jiidi karaan xisbiga iyo qarankaba.
2. Komishanku waa inay dhinacooda si madax banaan qof qof ugu hubiyaan musharixiinta
loo soo gudbiyay inay shuruudaha buuxinayaan. Haddii Komishanku ku qanco in
xubin ama xubno liiska ka mid ahi aanay buuxinayn shardi ama shuruudaha, waxay
muddo 3 cisho gudahood ah ku ogaysiinayaan xisbigii u soo gudbiyey inuu muddo
loo cayimay ku soo dhamaytiro shuruudaha dhiman ama bedelkiisa ku keeno.
Qodobka 18aad
Astaamaha Liisaska Musharaxiinta
1. Astaamaha liisaska musharixiinta ee xisbiyada ka muuqdaa waa inay kala duwanaadaan
marka la soo bandhigayo.
2. Xisbina waa in aanu isticmaalin astaan uu xisbi kale hore ugu isticmaalay
doorasho.
3. Astaantu waa in ay ahaato mid gaar ah oo muujinaysa sumadda aqoonsiga xisbiga,
hase yeeshee waa in aanay ka muuqan calaamado dawladeed, qabyaaladeed ama dariiqo.
Qodobka 19aad
Dhawrsanaanta Musharaxinta
Musharixiinta u taagan doorashada Golaha Wakiilada ee Komishanku faafiyey musharaxnimadooda
lama xidhi karo mudada doorashadu socoto. Haddii aan la qaban iyagoo faraha
kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso 3 sano oo xadhig ah iyo ka badan.
Qodobka 20aad
Faafinta Liisaska Musharaxiinta
1. Komishanka waa inay daabacaan liisaska musharixiinta gobol kasta, iyagoo
si bayaan ah u kala muujinaya astaamaha xisbiyadooda .
2. Komishanku goob kasta oo cod-bixineed waa inay gaadhsiiyaan nuqulada liisaska
musharixiinta gobolka si loogu dhajiyo dhamaan goobaha cod-bixinta gobolkaas.
3. Komishanka iyo xafiisyadiisu waa inay 45 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta
si rasmi ah u faafiyaan Liisaska musharixiinta xisbiyada, iyagoo adeegsanaya
warbaahinta kala duwan; isla markaana ku dhaqaaqaya sifa kasta oo ay ku xaqiijinayaan
in shacbigu meel kasta oo ay ku sugan yihiin ay si haqab la'aan ah uga bogan
karaan liisaska musharixiinta tartamaya.
Qodobka 21aad
D e e b a a j i
Musharixiinta u tartamaya xubinimada Golaha Wakiilada waxay bixinayaan deebaaji
aan celin lahayn, oo dhan SI.Sh. 1,000,000 (hal milyan shillin) oo lagu bixinayo
xafiiska cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda.
Qaybta IV
OLOLAHA DOORASHADA
Qodobka 22aad
Bilowga iyo Dhamaadka Ololaha Doorashada
Ololaha doorashadu wuxuu bilaabmayaa marka Komishanku 30 maalmood ka hor maalinta
cod-bixinta ku dhawaaqo fasaxa ololaha doorashada, waxaanu dhamaanayaa 24 saac
ka hor taariikhda la qabanayo cod- bixinta.
Qodobka 23aad
Qabashada Banaan-Baxyada
1. Masuuliinta Axsaabta ee qabanqaabinaya banaan-baxyada ololaha doorashada
waa inay qoraal ku ogeysiiyaan Duqa magaalada 48 saacadood ka hor wakhtiga la
samaynayo.
2. Duqa magaaladu wakhti kale ayuu u cayimi karaa haddii laba banaanbax ama
ka badan isku maalin laga codsado, sidoo kale, wuu joojin karaa in la sameeyo
banaan-baxyo, haddii uu ku qanco in waxyeelo loo gaysanayo caafimaadka, anshaxa,
ama nabadgelyada guud iwm, waxaana ku waajib ah inuu amro in banaan-baxyadaas
lagu qaban karo meel uu tilrnaamay ama wakhti uu cayimay.
3. Magaalo ama tuulo laguma wada qaban karo maalin qudha wax ka badan hal banaan-bax.
Qodobka 24aad
Muuqaalka Boodhadhka
Ma banaana in boodhadhka iyo waraaqaha ololaha doorashooyinka lagu dhejiyo masaajidada,
xafiisyada & gaadiidka dawladda, xarumaha diblomaasiyiinta shisheeye &
ururada caalamiga ah iwm
Qodobka 25aad
Anshaxa shirarka iyo Banaan-Baxyada
Shirarka iyo banaan-baxyada ololaha doorashada ee Xisbiyadu ku raadinayaan taageerada
cod-bixiyayaasha waxa ka reebban:
1) In loo qaato HUB iyo lebbis ciidan ama wax u eeg.
2) in ololaha ama banaan-baxa lagu sameeyo agagaarka meelaha xurmada mudan sida
masaajidada iyo goobaha aanay ku haboonayn sida dugsiyada, cusbitaalada, iwm.
3) in lagu tiraabo hadalo ama lagu soo bandhigo muuqaalo wax loogu dhimayo dhaqanka,
diinta, nabadgelyada iyo xasiloonida guud iwm ama sidoo kale lagu dhaawacayo
qabiil, degaan iwm.
4) in xisbi ama musharax u adeegsado hantida qaranka sifa kasta ha lahaatee.
Qodobka 26aad
Isticmaalka Hantida Qaranka.
1) Axsaabta qaranku si siman ayay u isticmaalayaan warbaahinta dawladda iyo
fagaarayaasha Khayriyaddaha mudada ololaha doorashadu socoto. Komishanka ayaa
kaltanka saacadaha u qaybinaya iyaga oo tala gelinaya Axsaabta iyo W/Warfaafinta.
2) waxa reeban in xisbina si gaar ah ugu takri falo dhaqaalaha qaranka.
3) waxa kale oo reeban in xisbina si dadban iyo si toos ahba u isticmaalo dhaqaale
shisheeye oo ay ka mid yihiin NGO -yada shisheeyaha ah iyo Haya'daha UN-ka.
Qodobka 27aad
Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Maalinta Doorashada
1. Guud ahaan dalka JSL dhaqdhaqaaqa gaadiidka dawladda iyo kan dadweynaha (public
transport/Govt.) wuu reeban yahay maalinta cod-bixintu socoto laga bilaabo 6da
saac ee subaxnimo ilaa 8da fiidnimo, marka laga reebo gaadiidka lagamamaarmaanka
ah, sida nabadgelyada: dhooliyada (ampullance), booyadaha biyaha, wiishashka
nalka, iwm. kuwaas oo fasax dhaqdhaqaaq la siin doono.
2. Gaadiidka hawl-wadeenada doorashada iyo madaxda Axsaabta waxa kornishanku
siinayaa fasax dhaqdhaqaaq iyo astaan gaar ah oo lagu aqoonsado.
3. Komishanku wuxuu dadweynaha warbaahinta uga tebinayaa todobaad ka hor amarka
xayiraada dhaqdhaqaaqa gaadiidka maalinta cod-bixinta. Iyadoo gaadiidka ku xadgudba
qodobkan la qabanayo sharcigana la horgaynayo.
Qodobka 28aad
Wakiilada Axsaabta
1. Guddiyada fulinta xisbiyadu waxay min 2 wakiil oo leh xaqa cod-bixinta u
soo diran karaan goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso oo ay musharaxiin ku leeyihiin
iyo xafiisyada doorashada ee gobolada, degmooyinka iyo qarankaba. Waxa kale
oo ay keeni karaan bedelkooda haddii ay maqnaadaan.
2. Wakiilada ay axsaabtu soo dirsadaan waa inay ku sugnaadaan goobahooda xilliyada
hawsha doorashadu socoto, soona jeediyaan wixii tabasho ama caddeyn ay qabaan
(haddii ay jirto), taas oo la diiwaangelinayo.
3. Magacyada wakiilada xisbiyada waa in loo geeyo Komishanka ama xafiisyadiisa
21 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta. Komishanka ama xafiisyadiisu wuxuu
siinayaa wakiil kasta aqoonsi ama qoraal ogolaansho ah oo u fasaxaya inuu geli
karo kana hawl geli karo goobta cod-bixinta ama xafiiska doorashada ee loo soo
diray.
Qodobka 29aad
Shuruudaha Wakiilka Xisbiga
Wakiilada xisbiyaddu u soo magacaabaan goobaha cod-bixinta iyo xafiisyada doorashada
waa inay buuxiyaan shuruudahan:
1. waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay.
2. waa in aan da' diisu ka yarayn 25 sano sanadka doorashada la qabanayo.
3. waa inuu wax qori karo waxna akhriyi karo
4. waa inuu yahay qof xilkas ah oo dhaqan toosan.
5. waa in komishanku u tababaraa hawsha wakiilnimada.
Qaybta V
DIYAAR-GARAWGA IYO MAAMULKA DOORASHADA
Qodobka 30aad
Tirada Xubnaha Komishanka
Iyadoo laga duulayo waaya-aragnimadii laga kasbaday doorashooyinkii hore iyo
baaxadda hawsha komishanka Doorashoooyinku u xilsaaran tahay, lana tixgelinayo
cabashooyinka Axsaabta Qaranku ka soo jeediyeen liil-tirka hawsha doorashada,
waxa lagamamaarmaan noqotay in la kaabo waxna laga bedelo qodobka 11aad, faqradiisa
1aad ee Xeerka 20/2001. Sidaa darted, waxa lagu kordhiyey faqrad cusub oo u
dhigan sidan:
1. Komishanka Qaranka ee doorashooyinku waxa lagu kordhiyey laba (2) Xubnood
oo kale. Kuwaas oo ay soo kala xulayaan:
a) Hal, Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa soo xulaya.
b) Halka kalena Madaxweynaha, ayaa soo xulaya.
Golaha wakiilada ayaana Ansixinaya.
Qodobka 31aad
Jadwalka Hawlgalka Doorashada
1. Iyadoo aan waxba loo dhimayn waajibaadyada iyo awoodaha Komishamka ee uu
tilmaamay Xeerka Doorashooyinka (Xeer No. 20/2001), waxa kale oo ku waajib ah
inay si rasmi ah u soo saaraan jadwal mudaysan oo ay si cad ugu muujinayaan
qorshaha hawlgalkooda. Kaas oo ay nuqulo ka mid ah u dirayaan Axsaabta, isla
markaana ku faafinayaan warbaahinta kala duwan.
2. faafinta jadwalka ka dib, haddii Komishanku lagamamaarmaan u arko wax ka
bedelka meelo ka mid ah qorshaha hawlgalka waa inuu axsaabta sidaa ku wargeliyo
isla markaana warbaahinta ka sheego isbedelkaas
Qodobka 32aad
Hawl-Wadeenada Doorasbada
iyadoo aan waxba loo dhimayn arrimaha ay tilmaamayaan qodobada 19aad & 20aad
ee Xeerka. Doorashooyinka (Xeer No. 20/2001), ee ku saabsan hawl-wadeenada,
waxa Komishanka ku waajib ah:
1. in si qoto dheer u hubiyaan hawl-wadeenada ay ku aaminayaan masuuliyada culus
ee doorashada inay yihiin kuwa xilkas ah oo gudan kara hawsha loo xilsaaray.
2. in ay siiyaan tababar ku filan, isla markaana hubiyaan inay si hufan hawshooda
u gudan karaan, inta ka horaysa maalinta cod-bixinta.
3. in xafiisyada doorashada iyo kormeerada u diyaariyaan gaadiidka shaqo lagu
fulin karo iyo isgaadhsiin.
4. Komishanku waxay awood u leeyihiin inay kordhiyaan tirada hawl-wadeenada
goobaha cod-bixinta, degmada iyo gobolka, haddii baahidaasi u muuqato.
Qodobka 33aad
Qandaraasyada Agabka iyo Adeegyada Doorashada
1. Si looga fogaado musuqmaasuq, danaysi iyo cadaalado daro, Komishanku waa
inuu qandaraas loo siman yahay ku bixiyaa agabka iyo adeegyada doorashada ay
ku fulinayaan.
2. cidda qandaraaska ku guulaysata komishanku wuxuu la galayaa heshiis mudaysan
oo lagu cadaynayo sifaha qandaraaska, mudada lagu keenayo iyo wakhtiga iyo sida
loo bixinayo lacagta, iwm.
3. waxa reeban in xubnaha Komishanka ama qoysaskooda iyo meheradahoodu qaataan
qandaraasyada ay bixinayaan iyo inay sifa kale kaga faa'iidaystaan xilalkooda.
Qodobka 34aad
Qalabka/Agabka Xafiisvada Doorashooyinka
Komishanka Qaranka ee doorashooyinku waa inay goob cod-bixineed kasta u diyaarisaa
qalabkan/agabkan:
a. Nuqul xeerkan ka mid ah.
b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shaambaddii goobta cod-bixinta oo ay la socdaan
khadkii iyo khadeeyihii.
c. Xidhmo lingaxan oo ay ku jiraan waraaqihii cod-bixintu.
d. Buuga diiwaan gelinta.
e. Sanduuq lambaraysan oo warqaddaha cod-bixinta lagu rido.
f. Afar nuqul lagu qoro agabka cod-bixinta.
g. Saddex foom oo lagu qoro hawlgalka cod-bixinta.
h. Foom leh khaanado shaxaysan.
i. Qalimo-biiro casaan ah oo ku filan calamadaynta warqadaha cod-bixinta.
j. Ugu yaraan 5 waraaqadood oo daabacan tusinaya qaabka cod-bixiyayaashu u calaamadaynayaan
warqadaha cod-bixinta.
k. Xidhmo shamac ah iyo kabriido loo isticmaalo meelaha aan korontada lahayn
ama haddii ay danto.
l. Qalabka qoraalada kala duwan ee loo baahan karo (stationary).
m. 8 Foom oo rasmi ah oo lagu qoro Natiijada codbixinta ooy wada saxeexayaan
Gudoomiyaha Goobta iyo 3 Wakiil xisbi.
n. Si aanay u qoyin haddii roob yimaado aqabka yaala goobta codbixinta, waa
in loo diyaariyaa baco ama teendhooyin.
Qodobka 35aad
Habaynta Qalabka iyo Agabka Doorashada
1. Komishanku waa inay xafiiska doorashada degmo/gobol kasta u diyaarisaa qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ah
b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shambaddii xafiiska degmada ama gobolka ee
doorasho oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. 4 nuqul oo lagu qorayo hawlgalka cod-bixinta xafiiska doorashada degmada
ama gobolka.
d. Foomam shaxaysan (tabulation forms)
e. Qalabka wax lagu qoro oo kala duwan (stationary)
2. Qalabka xafiis kasta oo doorasho waa in lagu rido saxarad gaar ah. Saxaradda
waa in la xidho oo la lingaxo. Komishanku waa inay qalabkaas dirto wakhti ku
haboon, iyadoo ay la socdaan sanaadiiqdii codka lagu ridayey oo lambaraysan,
waxaana loo dirayaa xafiisyada doorashada gobolada oo u sii gudbinaya kuwa degmooyinka
si ay ugu qaybiyaan goobaha cod- bixinta degmadaas.
3. Komishanku waa inay xafiisyadooda degmo/gobol u diyaariso waraaqo cod-bixineed
oo dheeraad ah oo ku lingaxan kiishash si loo siiyo xafiiska doorasho ee soo
codsada, iyadoo ay waajib tahay in ay soo sababeeyaan codsigooda. waxana waraaqahaas
la gudoonsiinayaa gudoomiyaha goobta cod-bixinta.
4. Dhamaan agabka iyo qalabka kala duwan ee loo isticmaalayo doorashada waa
in si adag loo xafido, lana diiwaangaliyo goob kasta oo uu yaalo. Iyadoo lagu
soo ururinayo xarunta dhexe ee doorashooyinka marka hawshu dhamaato.
5. 5.-7 nuqul oo lagu qorayo natiijada codbixinta degmada oo rasmi ah, ooy wada
saxeexayaan 3 wakiil xusbi iyo Guddoomiyaha Goobta oo shaabadaysan.
Qodobka 36aad
Waraaqaha Cod-Bixinta
1. Waraaqda cod-bixinta (ballot paper) loo isticmaalayo waxay ka kooban tahay
saddex khaanadood oo is le'eg oo si qoton ah (vertical) isu barbar yaala oo
kala xidhan. Xisbi kasta waxa uu gaar u yeelanayaa khaanadda ay halka u sareysa
kaga daabacan tahay astaanta xisbiga oo kor u taagan si afar gees ah. Astaanta
xisbi kasta waxa hoosteeda lagu daabacayaa magacyada musharixiinta xisbigaas
ee gobolka uga tartamaya, isla markaana, Magaca musharax kasta waxa hortiisa
ku yaala afar geesley banaan oo loogu talagalay inuu cod-bixiyuhu ku muujiyo
musharaxa uu codkiisa siinayo. Waraaq kastaana waa inay leedahay cidhif yar
oo xabagaysan oo warqadda cod-bixinta lagu lingaxo.
2. Waa in la daabaco waraaqo-cod-bixin oo tusaale ah (speciment) oo ku filan
axsaabta, oo aan tirsi taxane lahayn loona qaybiyo xisbiyada xilliga ololaha,
si loo gaadhsiiyo ama loo fahansiiyo dadwaynaha habka loo codaynayo.
3. waraaqaha cod-bixintu waa inay noqdaan kuwo leh astaamo qarsoon (hologramed)
oo aan la been-abuuri karin, isla markaana waa inay leeyihiin tirsi taxane ah
(seriel number).
Qodobka 37aad
Qolka Calaamadaynta & Sanduuqa Cod-Bixinta
1. Goob kasta oo codbixinta laga dhiibanayaa waa inay lahaato laba qol oo yar
yar oo loogu talagalay in lagu calaamadeeyo waraaqaha cod-bixinta.
2. Sanduuqa waraaqaha cod-bixinta lagu ridayaa waa inuu yaalo meel muuqata oo
ka mid ah goobta cod-bixinta, taas oo ay si bayaan ah u wada arki karaan Gudoomiyaha
goobta cod-bixinta, hawl-wadeenada goobta iyo wakiilada axsaabtu.
Qodobka 38aad
Bandhigidda Liiska Musharixiinta
Liiska magacyada musharixiinta Axsaabta ee daabacan ee gobolkaa ku tartamaya
waa in lagu dhejiyo meel la wada arki karo oo ka mid ah xafiiska doorashada
ama goobta cod-bixinta horteeda.
Qodobka 39aad
Qaybinta Qalabka iyo Agabka Doorashada
1. Komishanku, isagoo ku xisaabtamaya duruuf kasta oo lama-filaan ah oo hakin/xayiri
karta gudbinta agabka doorashada, Waa inuu gaadhsiiyo xafiiska doorashada gobolka
qalabka loogu talagalay cod-bixinta wakhti munaasib ah. Xafiiska doorashada
gobolku waa inuu agabkaas gaadhsiiyo xafiiska doorashada degmada ugu dambayn
10ta subaxnimo maalinta ka horaysa cod-bixinta.
2. Xafiiska doorashada degmadu waa inuu gaadhsiiyo dhamaan goobaha cod-bixintu
ka dhacayso ee degmadaas wixii agab ah ee loo baahan yahay ka hor 5:00 saac
ee subaxnimo maalinta cod-bixinta.
3. Gudoomiyayaasha goob kasta oo cod-bixineed waxa kale oo loo gudbinayaa:
a) Nuqul muujinaya magacyada hawl-wadeenada goobta
b) Nuqul muujinaya magacyada wakiilada axsaabta ee goob-jooga ahaanaya.
c) Nuqul muujinaya magacyada goob-joogayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah
ee degaanka ka hawlgalaya.
Oodobka 40aad
Diyaargarowga Xafiiska Goobta Cod-Bixinta
1. Gudoomiyaha goobta cod-bixintu markuu helo qalabka ku xusan qodobka kore
waa inuu:-
a) Abaabulo xafiiska oo uu hubiyayaasha iyo xoghaynta goobta u sheego waajibaadyadooda,
isla markaana la socodsiiyo sida ay hawsha loo xilsaaray u gudanayaan.
b) Hubiyo in Wakiilada axsaabta ee loo soo gudbiyay inay goob-joog yihiin.
c) Markuu hubiyo inay saxaraduhu lingaxan yihiin waa inuu furo saxarada oo hubiyo
inay dhan yihiin agabkii , waana inay goob-joog ahaadaan Hawl-wadeenadii goobta
iyo wakiiladii axsaabtu.
d) Markay wadajir u hubiyaan gudoomiyaha iyo hawl-wadeenadiisa iyo wakiilada
xisbiyadu in xidhmooyinka ay ku jiraan shaambadda goobta iyo waraaqaha cod-bixintu
lingaxan yihiin, waa inuu furo xidhmooyinka oo waraaqaha cod-bixinta la dhaco
shaambada goobta, oo si nidaamsan ugu rido weel xafidan. Waxaa reebban inuu
markaas joogo qof aan ahayn inta goobta ku qoran.
e) hubiyo in ogaysiiska tilmaamaha cod-bixinta iyo liisaska murashaxiintu ku
dhegan yihiin meelihii loogu talagalay.
f) hubiyo in qalabkii loo baahnaa ee cod-bixinta loogu talagalay loo agaasimay
sida xeerku tilmaamayo, si hawsha doorashu si hufan ugu hirgasho.
2. Waa inuu xoghaynta faro inuu diiwaan-geliyo dhamaan hawlgalka kor ku xusan
in la fuliyey. Qoraalka waa inay ku cadaato shaambadda goobta, tirada waraaqaha
cod-bixinta ee goobta cod-bixintu heshay iyo buugii diiwaangalinta.
3. Waa inuu markaa ka saxeexo hawl-wadeenada iyo wakiiladaba in wax waliba sidii
loogu talagalay yihiin.
4. Markuu hubiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixintu in hawshaasi qabsoontay waa
inuu ku dhawaaqo in cod- bixintu furan tahay.
Qodobka 41aad
Awoodda Gudoomivaha Goobta Cod-Bixinta
1. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta waxa waajib ku ah inuu ilaaliyo nidaamka inta
doorashadu socoto. Booliska ayuu ku amri karaa inuu qof goobtaa dibedda uga
saaro ama in la qabto qof gef ku sameeyay hawsha doorashada ama qof waali ka
muuqato.
2. Booliska looma ogola inuu galo gudaha goobta cod-bixinta haddii aanu Gudoomiyuhu
amrin.
3. Haddii ay timaado xaalad lama filaan ah oo wax u dhimi karta habsami u socodka
doorashada Gudoomiyaha goobtu wuxuu awood u leeyahay inuu qaato go'aan ku meel
gaadh ah oo uu ku xalinayo dhibaatada taagan, isagoo go'aankaas qoraal ahaan
u diiwaangelinaya, una gudbinaya xafiiska doorashada degmada.
4. Saraakiisha Booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda waa in ay fuliyaan codsiyada
Gudoomiyaha goobta si loo hubiyo in si dhib yar codka loo bixiyo oo aanay u
dhicin in lagu ururo miiska hawl-wadeenada ama goobta cod-bixinta agagaarkeeda.
5. Gudoomiyaha goobta cod-bixintu wuxuu xaq u leeyahay inuu isticmaalo awoodaha
ku qoran xubnaha qodobkan.
Qodobka 42aad
Nidaamka Goobta Cod-Bixinta
1. Goobta cod-bixinta waxa geli kara hawl-wadeenada goobta ka shaqaynaya, wakiilada
axsaabta iyo codbixiyayaasha codkooda dhiibanaya.
2. Ma banaana in hub lala yimaado goobta cod-bixinta, marka laga reebo ciidanka
amniga ee goobta ka shaqaynaya.
3. Cod-bixiyayaashu waxay isu taagayaan safaf, markiibana hal qof oo keliya
ayaa gelaya qolka calaamadaynta, iyadoo loo kala hor marinayo sidii loo soo
kala horeeyay, hasa yeeshee waa 1a tixgelin karaa inuu ugu hormaro haddii ay
jirto qof xaalad gaar ah loo tixgeliyay ama ka shaqaynaya hawsha doorashada
oo doonaya inuu codkiisa bixiyo.
Qodobka 43aad
Cod-Bixiyayaasha aan Codka Dhiiban Karin
1. Waxa codkiisa dhiiban kara cod-bixiyaha taga goobta cod-bixinta oo codkiisa
ku ridi kara sanduuqa.
2. Haddii uu jiro qof ay naafonimo ama da' ama sabab kale u diidey inuu codkiisa
bixiyo kuna sugan goobta codbixinta Gudoomiyaha goobta cod-bixinta ayaa u calaamadinaya
iyagoo ay goob jog ka yihiin muraaqibiinta xisbiyadu.
3. Xoghayaha goobta cod-bixinta ayaa diiwaangelinaya gelinaya sababta loo ogolaaday
in qofkaas laga kaalmeeyo sidii uu codkiisa u bixin lahaa, waxa kale oo uu qoraalka
ku muujinayaa magacyada qofkaas iyo qofka kaalmeeyey.
Qodobka 44aad
Habka Cod-Bixinta
1. Markuu dhamaado hawlgalka ku xusan qodobka 40 iyo 42aad, Gudoomiyaha goobta
cod-bixinta wuxuu cod- bixiyaha siinayaa warqaddii cod-bixinta oo lagu dhuftay
shaambaddii goobta, isla markaana laga reebay dabadii hadhaaga ahayd ee warqaddu
ku taalay.
2. Markaa cod-bixiyuhu wuxuu gelaya qolka yar ee uu warqadda ku soo calaamadinayo,
kuna soo xidhanayo.
3. Cod-bixiyuhu wuxuu ka calaamadinayaa warqadda cod-bixinta meel ka mid ah
afar geesta banaan eek u hor taala magaca musharaxa uu codka siinayo, asagoo
isticmaalaya qalin-biro casaan ah oo uu siinayo xoghayaha goobtu. Ka dib warqaddii
wuu soo laabayaa. isagoo ku xidhaya dacalkii yaraa ee xabagta lahaa waxanu ku
ridayaa sanduuqii loogu talagalay cod-bixinta.
4. Markuu cod-bixiyuhu warqaddiisa ku rido meesha daloosha sanduuqa, waa inuu
goobta ka baxo, waxase ka horaysa inuu Gudoomiyaha goobtu hubiyo in ay si fiican
uga muuqato khadkii codayntu.
5. Haddii cod-bixiyuhu arko in warqadda la siiyey aanay dhamayn ama dhaawac
qabto inta aanu codka bixin, waa inuu soo celiyo oo Gudoomiyaha goobta weydiisto
mid fayow. Arrintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.
6. Gudoomiyaha goobtu wuxuu xaq u leeyahay inuu goobta ka saaro isla markaana
ka qaado warqadda codbixinta, cod-bixiye kasta oo cudur-daar la'aan goobta ku
daaha. waxana mar kale loo ogolaan karaa inuu codkiisa dhiibto markay dadkii
kale ee goobta ku sugnaa ee codkooda dhiibanayey ay dhamaadaan.
7. Haddii cod-bixiye lagu helo inuu sito waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah
ama kuwo ka duwan kuwa codka lagu bixinayo ama inuu hore codkiisa u soo dhiibtey,
Gudoomiyaha goobtu waa inuu si degdeg ah u amro in la qabto oo booliska u dhiibo
si maxkamad loo horgeeyo, Arintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan- geliyo.
8. Warqad kasta oo codbixineed waxay waajib ku tahay guddoomiyaha goobta iyo
saddexda wakiil xisbi inay hubiyaan inay shaabadaysan tahay.
Qodobka 45aad
Wakhtiga Hawlgalka Cod-Bixinta
1. Hawlgalka cod-bixintu waa in lagu dhamaystiro hal maalin gudaheed oo ka bilaabmaysa
6:00 saac ee subaxnimo kuna dhamaanaysa 6:00 saac ee fiidnimo. Hasayeeshee,
hawl-wadeenada doorashada iyo wakiilada axsaabta waxa ku waajib ah inay goobahooda
shaqo ku sugnaadaan saacad ka hor wakhtiga codbixintu bilaabmayso.
2. Cod-bixintu way soconaysaa oo wakhtiga xidhitaanka coddaynta la tixgelin
maayo, haddii ay jiraan cod-bixiyayaal safka ku jira oo aan welli codkooda bixin
ilaa ay ka dhamaanayaan cod-bixiyayaasha markaas safta taagan.
Qodobka 46aad
Cabashooyinka Goobta Cod-Bixinta
Gudoomiyaha goobta cod-bixintu waa inuu qaraar ka gaadho cabashooyinka iyo wixii
muran ah ee ka dhasha hawlgalka goobta cod-bixinta (haddii ay jiraan). kuwaas
oo ay ka mid yihiin kuwa af ahaan ama qoraal ahaan loo soo jeediyey. Cabashooyinka
iyo muranadaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.
Qodobka 47aad
U diyaar-Garowga Tirinta Codadka
1. Marka Cod-bixiyayaashii safka taagnaa wada codeeyaan, Gudoomiyaha goobtu
wuxuu cod Sare ku sheegayaa inay cod-bixintu xidhan tahay.
2. Gudoomiyaha goobtu markuu hubiyo in hawlwadeenadii goobta iyo wakiiladii
axsaabtuba goob-joog yihiin wuxuu ka ururinayaa miiska dhamaan waraaqaha iyo
qalabka aan tirinta codadka wax ahmiyad ah u lahayn, wuxuu bilaabayaa hawsha
soo socota:
a) Wuxuu hubinayaa tirada guud ee cod-bixiyayaasha, isagoo isu eegaya tirada
waraaqaha cod bixinta ee la isticmaalay iyo tirada cod-bixiyayaasha diiwaanka
ku qoran.
b) Wuxuu ururinayaa oo tirinayaa waraaqaha cod-bixinta ee aan la isticmaalin
waxaanu ku ridayaa baqshadda 1aad.
c) Wuxuu hubinayaa tirada waraaqaha cod-bixinta ee xumaaday ee ay soo celiyeen
cod-bixyayaashu, ama la arkay inay xun yihiin, waxaanu ku ridayaa baqshada 2aad.
d) Gudedoomiyaha Goobta codbixinta iyo saddexda wakiil xisbi iyo madaxda nabadgelyadu
waxay wada saxeexayaan buuga diiwaan gelinta goobta kuna cadeeyaan inay si nabadgelyo
ah u dhacday una xidhantay.
Oodobka 48aad
Habka Tirinta Cod-Bixinta Goobta
1. Marka Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha diyaargarawga ee ku xusan qodobka
47aad, wuxuu bilaabayaa tirinta waraaqaha cod-bixinta ee sanduuqa ku jira. Si
taa loo fuliyo; Hubiyuhu wuxuu markiiba sanduuqa ka soo saarayaa hal warqad
cod-bixineed, wuxuuna u dhiibayaa Gudoomiyaha goobta, Gudoomiyuhuna wuxuu furayaa
warqaddii codbixinta oo cod sare ku sheegayaa xisbiga/musharaxa codka lagu siiyey;
warqadaas waxa hubiyuhu u sii gudbinayaa Hubiyaha kale oo isna tusi doona wakiilada
Xisbiyada, markaas xoghayaha ayaa gelinaya foomka shaxaysan ee loogu talagalay
xisbiga codkaas helay waxaanu warqadaas ku ridayaa weel xafidan oo calaamadda
xisbiga leh.
2. Ma banana in sanduuqa laga soo saaro warqad kale oo cod-bixineed inta tii
ka horaysay laga dhamaynayo ee weelka lagu ridayo. Hawsha waxa maamulaya hawl-wadeenada
goobta oo keliya. Hasa yeeshee, wakiilada Axsaabtu waxay si fiiro leh ula soconayaan
hawlgalka tirinta, iyagoo hubinaya codadka.
3. Gudoomiyaha goobtu markuu dhameeyo tirinta, wuxuu hubinayaa tirada waraaqaha
cod-bixinta, iyo inay is keenayaan tirada codadka axsaabtu guud ahaan heleen
iyo cod-bixiyayaasha diiwaanka ku qoran. wuxuu intaas raacinayaa tirada codadka
lagu muransan yahay ama xumaaday ee waxba kama jiraan loo aqoonsadey.
4. Gudoomiyaha goobtu markuu hawshaas dhameeyo, wuxuu waraqadaha xumaaday ama
waxba kama jiraanka laga soo qaadey ama/iyo kuwa muranku ka taagan yahay iyo
waraaqaha cabashada iyo dacwooyinka ku ridayaa baqshadda 3aad.
5. intaa dabadeed, Gudoomiyaha goobtu wuxuu ugu dambeyntii waraaqihii cod-bixinta
ee la tiriyey ku ururinayaa baqshadda 4aad, iyagoo kala soocan
Qodobka 49aad
Xidhitaanka Hawsha Tirinta
1. Markuu Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha tirinta ee ku xusan qodobka 48aad
wuxuu ku dhawaaqayaa wadarta tirada cod-bixiyayaasha, codadka ansaxay, kuwa
xumaaday iyo tirada codadka uu helay xisbi kasta .
2. Intaa dabadeed, Baqshadaha waa la lingaxayaa, korkana waxa lagaga dhufanayaa
shaambaddii goobta, waxaana korka wadajir uga saxeexaya Gudoomiyaha goobta,
ugu yaraan hal hubiye iyo wakiilada xisbi kasta oo murashaxiin ku leh goobta-codbixinta.
3. Iyadoo laga taxadirayo inaan la lumin codadka muwaadiniinta, haddii wakiil
xisbi si kas ah u diido ama ka hakado ama muran geliyo inuu saxeexo natiijada
goobta waxa lagu kaaftoomi karaa saxeexa laba wakiil xisbi iyo hawlwadeenada
goobta. waxna u dhimi mayso sharcinimada hawsha, hasa yeeshee cabashadiisa waa
loo diiwaan gelinayaa.
4. Haddiise laba wakiil iyo ka badan saxeexi waayaan cabasho darteed waxa cabashadaas
loo gudbinayaa muddo aan ka badnayn 12 saacadood xafiiska doorashada degmada
si uu go'aan uga gaadho. Arrintaasna waa la diiwaangelinayaa.
5. Baqshadaha korkooda waxa lagu qorayaa faahfaahinta waxa baqshadda gudaheeda
ku jira.
6. Hawsha tirinta waa in loo dhamaystiro si isdaba jooga ah ee la soo tilmaamay
oo hakad lahayn oo wax kale aan la dhex galin inta laga dhamaystirayo.
7. Qoraalada raadraaca (records) waa in si cad loogu muujiyo hawlaha kor ku
xusan, iyadoo wakiil xisbi kastaa qaadanayo nuqul ka mid ah foomamka natiijada
goobta codbixinta oo wada saxeexan shaabadaysana.
Qodobka 50aad
Codadka Xumaada ama/iyo kuwa Lagu Muransan Yahay
1. Waraaqaha cod-bixinta marka la tirinayo waxay noqonayaan waxba kama jiraan:
a. Haddii ay ka duwan yihiin wara aqaha cod-bixinta ee Komishanku gartay in
doorashada loo isticmaalo.
b. Haddii aanay ku oollin shaambadda goobta cod-bixinta.
c. Haddii warqaddu dhaawacan tahay oo aanay dhamaystimayn
d. Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqdaan qoraal ama calaamado ama raad
aan loogu talagelin in lagu qoro.
e. Haddii warqadda cod-bixinta aanay si fiican uga muuqan oo la aqoonsan kari
waayo xisbiga/musharaxa codka la siiyay.
f. Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqato in cod-bixiyuhu calaamadeyay astaan
hal xisbi/musharax wax ka badan.
g. Warqadaha cod-bixinta ee waxba kama jiraan loo aqoonsado ee farqadani tilmaantay
(a - f) laguma darayo tirada codadka ansaxay, axsaabtana loo tirin maayo.
2. Codka waxba kama jiraan wuxuu noqon karaa marka go'aan wadajir ah isku raacaan
Hawl-wadeenada goobta cod-bixintu. Haddiise ay isku raaci waayaan oo ay ku kala
qaybsamaan, waxa waraaqahaas cod- bixineed loo aqoonsanayaa kuwo muran ka taagan
yahay.
3. Xafiiska Doorashada ee degmada ayaa qaraar ka gaadhi kara waraaqaha cod-bixinta
ee muranku ka taagan yahay.
Qodobka 51aad
Qoraalka Raad-Raaca Goobta Cod-Bixinta
1. Qoraalka raadraaca ee goobta cod-bixinta waxa lagu qorayaa foomam loogu talagalay
oo 8 sideed nuqul ah, kaas oo Komishanku u soo diyaariyey.
2. Laba nuqul oo qoraalka raadraaca ka mid ah waa in lagu rido saxaradda oo
la raaciyo baqshadaha lingaxan ee ku xusan qodobka 49aad oo loo gudbiyo xafiiska
doorashada degmada, nuqulka saddexaad waa in loo gudbiyo Gudoomiyaha xafiiska
doorashada ee gobolka, iyadoo la raacinayo wixii ka hadhay agabkii doorashada
ee kala duwan
3. 5ta nuqul ee qoraalka raad-raacxa ka hadhay waxa loo qaybionayaa 3da wakiil
xisbi , hal nuqul oo xarunta dhexe ee kumishinka qaranka, nuqulka kalena Maxkamadda
sare.
Qodobka 52aad
Qaadista ivo Wareeiinta Qalabka/Agabka
1. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta oo ugu yaraan ay la socdaan xubin hawlwadeenada
ka tirsan iyo Boolis ilaalo ah, iyo wakiilada xisbiyada ayaa qaadaya qalabka,
qoraalka raadraac iyo baqshadaha goobta kuna wareejinaya xafiiska doorashada
ee degmada, muddo aan ka badnayn 12 saacadood.
2. Marka xafiiska doorashada ee degmada lagu wareejinayo qalabka iyo baqshadaha
waa in la hubiyo inay lingaxan yihiin oo aan la furin lana farafarayn. Gudoomiyaha
doorashada ee degmadu waa inuu bixiyo caddaynta la wareegidda agabkaas iyadoo
ay goob jog ka yihiin wakiilada Xisbiyadu.
3. Gudoomiyaha doorashada ee degmaddu wuxuu u gudbinayaa baqshadaha natiijadda
cod-bixinta doorashada Golaha Wakiilada oo lingaxan iyo nuqul ka mid ah qoraalka
raadraaca Gudoomiyaha xafiiska doorashada gobolka.
4. Saddex nuqul ooqoraalka raadraaca ahna waxa la siinayaa wakiilada xisbiyadda
ee heer degmo.
5. laba nuqula waxa loo kala dirayaa xafiiska Kumishinka iyo maxkamadda sare
Oodobka 53aad
Hawsha Xafiiska Doorashada ee Degmada
Markuu Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee degmadu helo agabka lagu tilmaamay
qodobka 52aad ee xeerkan:
a. Waa inuu faro hubiyayasha, xoghayaha iyo tiriyayaasha inay hawshooda u diyaar
garoobaan.
b. Waa inuu u yeedho wakiilada axsaabta, kuna wargeliyo inay goob-joog ahaadaan
inta hawshu socoto.
c. Markay Gudoomiyaha, hawlwadeenada iyo Wakiiladu wadajir u hubiyaan in baqshaduhu
lingaxan yihiin oo aan hore loo furin, waa inuu furaa baqshadda ay ku jirto
shaamnbadu oo hubiyaa in lambarka shaambadu ku yaal qoraalada.
d. waa inuu hubiyo in qoraalada iyo baqshadaha ku xusan qodobada , 49aad, 51aad
ee xeerkan ay dhan yihiin.
e. Waa inuu hubiyo oo isu geeyo dhamaan cod-bixinta ka soo hoyatay goobaha cod-bixinta
degmada.
f. Waa inuu hubiyo oo isugeeyo dhamaan warqadaha cod-bixinta ee aan la isticmaalin.
g. Waa inuu hubiyo oo isugeeyo dhamaan codadka waxba kama jiraanka noqday ee
ka soo hoyday goobaha cod-bixinta degmada.
h. Waa inuu qaraar ka gaadho codadka muranku ka taagan yahay, ee uu tilmaamay
qodobka 50aad ee xeerkan.
i. Waa inuu isu geeyo wadarta codadka xisbi kasta ka helay cod-bixinta degmada
oo dhan.
j. Waa inuu natiijada codadka degmada ee soo baxay iyo cabashooyinka ama/iyo
dacwadaha (haddii ay jiraan) u gudbiyo Gudoomiyaha Xafiiska doorashada gobolka
Qodobka 54aad
Hawsha Xafiiska Doorashada ee Gobolka
1. Xafiiska doorashada ee gobolku markuu helo nuqulada qoraalada raadraaca goobaha
cod-bixinta iyo natiijada codadka ka soo baxay degmooyinka gobolka iyo inta
xisbi kasta ka helay ee ay u soo gudbiyeen xafiisyada doorashada ee degmooyinka
gobolku wuxuu si dhugmo leh xisaab ahaan u hubinayaa saxnaanta natiijooyinka
codadka degmooyinka gobolka.
2. hawlgalka faqradda 1aad ee qodobkan ka dib, waa in uu isu geeyo codadka musharax
kasta helay, isagoo xisbi kasta gaarkiisa u eegaya.
3. Guddoomiyaha xafiiska doorashada ee gobolku markuu ku qanco wuxuu hawgalka
ka samaynayaa raad raaca lagu qorayo foomam loogu talgalay oo lix nuqul ka kooban,
wuxuuna laba nuqul oo ka mid ah u gudbinayaa xafiiska dhexe ee doorashooyinka
(Komishanka) kan asliga ahna (original) Maxkamadda. sare ee dalka.
4. saddex nuqul ee hadhayna saddexda wakiil xisbi ee heer Gobol.
Qodobka 55aad
Soo Saaridda Natiiiada Hordhaca ah ee Doorashada
Gudoomiyaha Xafiiska doorashada ee gobolku, -iyadoo uu goob-joog yahay xubinta
Komishanka Qaranka gobolka uga hawlgashay- waa inuu si hordhac ah u soo saaro
natiijada doorashada Golaha Wakiilada ee gobolka, taas oo uu ku soo bandhigayo
qoraal kooban oo ay ku muujisan yihiin wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobolka
iyo tirada xisbi kasta iyo musharax kasta gaarkiisa ka helay cod-bixinta gobolka
. Nuqul qoraalkaas ka mid ahna waa inuu u gudbiyo xafiiska dhexe, iyo wakiilada
xisbiyada
Qodobka 56aad
Gudbin Raad-Raac (Records)
1. Raadraacyada hawlgalada ku xusan qodobada 49aad, 51aad iyo 54aad ee xeerkan
waxa lagu qorayaa foomamka Komishanku u diyaariyey mid kasta, waana inay ahaadaan
min lix nuqul ugu yaraan.
2. Nuqulada raadraacyada (records) waxaa loo kala qaybinayaa sida ay tilmaamayaan
qodobada 51aad iyo 54aad ee xeerkan.
Qodobka 57aad
Hawsha Xafiiska Dhexe ee Doorashada
1. Komishanku wuxuu si feejigan ula soconayaa dhamaan hawlaha doorashada saameeya,
isla markaana wuxuu si aan dib u dhac lahayn uga jawaabayaa adeegyada ay soo
codsadaan xafiisyada doorashada ee degmooyinka/gobolada iyo xaaladaha kale ee
gurmad iyo go'aan ka gaadhis u baahan.
2. Komishanku markuu helo qalabka & qoraalada raadraaca ee ku xusan qodobka
55aad ee xeerkan, waa:
a. inuu faro hawlwadeenada inay u diyaaar-garoobaan hawsha
b. Inuu u yeedho Wakiilada axsaabta si ay goob-joog u ahaadaan marka hawshu
socoto.
c. Inay wadajir u hubiyaan in baqshaduhu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa
waa inuu furaa oo ka soo saaraa agabka ku jira.
d. Inuu xisaab ahaan hubiyo natiijooyinka codadka gobolada. Taas oo marka uu
ku qanco isugu dubaridayo hab-xisaabeed shaxaysan oo si hufan looga dheehan
karo tirsiyada goobaha, wadarta codadka, inta ansaxday, inta xumaatay, qadarka
xisbiyadu kala heleen iyo qodarka musharixiinta xisbi kasta gaarkiisa kala heleen
oo u kala habaysan heer goobeed, degmo, gobol iyo qaran.
e. Inuu isku dubarido liiska magacyada murashaxiinta ku guulaystay doorashada
Golaha wakiilada ee heer qaran, iyadoo la raacayo habka ku tilmaaman qodobka
12(2/3) ee Xeerkan . Sidoo kale wuxuu soo saarayaa liiska magacyada musharaxiinta
doorashada waaya ee noqonaya kaydka ee xisbiyadu u soo gudbiyeen.
f. Inuu go' aan ka gaadho cabashooyinka ama/iyo dacwadaha (haddii ay Jiraan)
ka soo gudba xafiisyada doorashooyinka ee gobolada iyo dacwadaha iyo cabashooyinka
ka yimaada xarumaha axsaabta, iyadoo go'aanadaas la diiwaangelinayo.
g. Inuu hawsha ku dhamaystiro muddo 10 maalmood gudahood ah laga soo bilaabo
maalinta codbixinta la qabtay.
Qodobka 58aad
Ku dhawaaqidda & Gudbinta natiiiada hordhaca ah
1. Komishanku markuu dhamaystiro hawshiisa qodobka 57aad ku sheegan, ee uu ku
qanco in doorashadu si habsami ah u dhacday, wuxuu si hordhac ah ugu dhawaaqayaa
natiijada doorashada Golaha Wakiilada.
2. Komishanku maalinta uu ku dhawaaqo natiijada hordhaca ah, wuxuu si rasmi ah Maxkamadda Sare ee qaranka u gudbinayaa natiijada doorashada oo dhamaystiran oo ay ku lifaaqan yihiin Liiska magacyada musharaxiinta guulaystay iyo dhokomentiyada kala duwan ee taageeraya natiijada
Qaybta VI
SHARCIY A YNTA NA TllJADA DOORASHADA
Qodobka 59aad
Ansixinta Natiijada
1. Gudoomiyaha & Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ayaa fadhi
buuxa ku go' aaminaya ansixinta natiijada doorashada Golaha wakiilada markay:
a. darsaan qoraalada natiijada doorashada ee Komishanku u soo gudbiyay.
b. Hubiyaan in xisaab ahaan iyo sharci ahaanba toosan tahay.
c. Xaqiijiyaan inaan dacwad ka dhan ah go'aanka kumishinka laga furan maxkamadda
mudada xeerku cayimay, haddii ay jirtona go,aan ka gaadhaan.
2. Maxkamaddu Sare waxay go'aankeeda ay ku ansixisay natiijada doorashada iyo Liiska Magacyada musharixiinta ku guulaystay kaga dhawaaqaysaa fadhi maxkamadeed oo ay goob joog yihiin madaxda axsaabta, Xukuumadda iyo saxaafaddu
Qodobka 60aad
Dhaarinta Mudanayaasha
Maxkamadda Sare marka ay ku dhawaaqdo go'aanka ansixinta natiijada doorashada
waxay muddo aan todobaad ka badnayn u cayimaysaa fadhiga dhaarinta Mudanayaasha
la doortay ee Golaha Wakiilada. Fadhigaas oo uu gudoominayo Gudoomiyaha Maxkamadda
Sare sida ku tilmaaman Dastuurka qodobka 44(3)aad.
Qodobka 61aad
Dacwadaha Doorashada
1. Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, ayaa leh awooda ka garnaqista dacwadaha
la xidhiidha doorashada Golaha Wakiilada marka ay ku qanacdo arjiga dacwoodaha.
2. Dacwadaasi waa inay ku soo gaadho kaalinta Maxkamadda Sare 20 maalmood gudahood
oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada hordhaca ah ee doorashada. Haddii
ay wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.
Qaybta VII
KU XADGUDUBKA XEERKA
IYO NIDAAMKA DOORASHADA
Qodobka 62aad
Dhawridda Xeerka iyo Nidaamka Doorashada.
Dhawridda nabadgelyada guud iyo u hogaansamidda Xeerka iyo nidaamka doorashada
waa waajib saaran muwaadin kasta oo u dhashay dalka JSL. Taas awgeed, ku xad-gudubka
nidaamka iyo sharciga waxa lagu mutaysanayaa ciqaab.
Qodobka 63aad
Eedaynta Komishanka Doorashada
Haddii Xubin ama Xubnaha Komishanka Doorashooyinku ku talaabsadaan fal ay ka
dhalan karto dambiyo culus ama khalkhal galin kara nidaamka iyo habsami u socodka
doorashada ama xasiloonida guud ee dalka, waxa eedayntooda, maamuus ka xayuubintooda
iyo dacwad ku qqadistooda loo cuskanayaa sifaha uu tilmaamayo Dastuurka qodobkiisa
96(1/4/5)aad.
Qodobka 64aad
Anshax Marinta Ku Xad-Gudubka Xeerka iyo Nidaamka Doorashada
1. Maadaama Komishanku leeyahay masuuliyadda koowaad ee taabagalinta habsami
u socodka doorashada, wuxuu awood u leeyahay inuu anshax-mariyo cid kasta oo
ku kacda gef idaari ah ama ku xad-gudubta nidaamka iyo xeerka doorashada. Sidaa
darted, Komishanku, iyagoo ku go'aan qaadanaya miisaanka iyo saamaynta hadba
xad-gudubkaasi leeyahay, waxay anshax marintu noqon kartaa siyaabahan:
1. Canaan iyo canbaarayn, ama/iyo
2. Digniin culus oo loo diiwaangelinayo, ama/iyo
3. Ganaax lacageed
a) haddii gefka ama xad-gudubka uu gaysto masuul xisbi ama musharax waxa xisbigiisa
lagu anshax marinayaa ganaax lacageed oo dhan Sl.Sh. 5,000,000 - 10,000,000
b) haddii gefka ama xad-gudubka uu gaysto hawlwadeenada doorashada waxa lagu
anshax-marinayaa ganaax lacageed oo dhan Sl.Sh. 200,000 - 400,000.
c) Haddii gefka ama xad-gudubka uu gaysto muwaadin caadi ah waxa lagu anshax-marinayaa
ganaax lacageed oo dhan Sl.Sh. 300,000 - 500,000.
3. Haddii xad-gudubkaasi yahay mid culus oo ciqaab lagu mutaysan karo ama khalkhal galinaya nidaamka doorashada ama xasiloonidda guud ama wax u dhimaya nidaamka iyo kala dambaynta, waxa komishanka ama masuuliinta xafiisyada doorashadu amrayaan in la qabto cidda xad-gudubka samaysay, si loo horgeeyo maxkamadda awooda u leh.
Qodobka 65aad
Dhaqangalka & Faafinta Xeerka.
Xeerkani waxa uu dhaqangalayaa marka Baarlamanku ansixiyo ee uu saxeexo Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, laguna soo saaro faafinta Rasmiga ah ee Dawladda JSL.
ALLAA MAHAD LEH
(Axmed Maxamed Adan)
Guddoomiyaha G/ Wakiilada Jsl-
(Maxamed Xuseen Cismaan)
Xoghayaha Guud ee G/ Wakiilada